Morocco Oo Codsatay Martigalinta Koobka Aduunka Ee Sanadka 2026




Dalka Morocco ayaa ku biiray dalalka u tartamaya Koobka Aduunka ee sanadka 2026 kadib markii Xidhiidhka Kubada Cagta ee Dalka Morocco uu ku dhaqaaqay in dalkiisu diyaar u yahay inuu martigaliyo koobkaasi.

Damacan ay Morocco ku doonayso inay martigaliso Koobka Aduunka ayaa waxa uu Qaarada Africa uga dhigan yahay markii 5aad ee ay u tartanto martigalinta koobka aduunka, waxana ay sanadahaasi kala ahaayeen 1994, 1998, 2006 oo ay ku guul daraysteen martigalinta Koobka Aduunka, halka ay sanadkii 2010kii kaga guulaysatay in lagu martigaliyo tartankan dalka South Africa

Sidoo kale dalalka Maraykanka, Kanada & Mexico ayaa igaguna ka mid ah dalalka tartanka ku jira ee doonaya inay u tartamaan Martigalinta Koobka Aduunka ee sanadka 2026.

Bishii July ayaa xidhiidhka Kubada Cagta ee Africa CAF uu sheegay inuu taageerayo Marocco, waxana go’aanka kama dambaynta ah ee Martigalinta lagu dhawaaqi doonaa sanadka 2020.

Sikastaba ha ahaatee Morocco ayaa haysta fursad ay ku martigaliso Tartankan mar kadii dalalka ka socda Qaaradaha Yurub iyo Aasiya aanay tartanka ku jirin sababta oo ah iyaga oo martigalin doona tartanka koobka Aduunka ee 2018 oo Russia ka dhici doona, halka tartanka ku xiga ee 2022na ay marti galin doonto Qatar.