Booqasho Uu Wadaadka Ruuxiga Ah Ee Dalai Lama Ku Tagi Lahaa Botswana Oo La Baajiyay




Hogaamiyaha ruuxiga ah ee dadka Tibet ee lagu magacaabo Dalai Lama ayaa baajiyay safar u qorshaysnaa oo uu ku tagi lahaa dalka Botswana todobaadka soo socda.

Safarkan Dalai Lama ayaa la baajiyay kadib markii ay dawlada Shiinahu uga digtay dalka Botswana booqashadada Wadaadkan 82jirka ah ee dalkeeda Mastaafuriska kaga maqan.

Hadal qoraal ah oo Wadaadkan Afayeenkiisu baahiyay Jimcihii ayaa lagu sheegay In Dalai Lama uu raaligalin ka bixiyay baaqashadiisa.

“dhaqaatiiru waxay ku talisay in u nasto Dalai Lama, kana baaqdo safari mudo dheer qaata todobaadkan” ayaa lagu yidhi hadalkaas, waxana intan lagu daray in uu Wadaadku ku laaban doono India si loo daaweeyo.

Hogaamiyahan reer Tibet ee Dalai Lama ayaa 17 ilaa 19ka bishan uu qorshuhu ahaa in uu caasimada dalka Botswana ee Gaborone kaga qayb galo shir dhinaca Xuquuqul Insaanka Ah, iyo inuu la kulmo Madaxwayne Khama-ha reer Botswana.

Sidoo kale booqashadan Dalai Lama ayaa waxa cambaareeyay dawlada Shiinaha oo tilmaantay in aanay sinaba ugu dulqaadanayn fal kasta oo meel ka dhac ku ah danaheeda oo kaga yimaad cid walba o marti galisa Dalai Lama.

Dalai Lama ayaa dalka Shiinaha isaga cararay sanadkii 1959kii, una baxsaday dhinaca dalka India kadib qulqulatooyin ay dadka reer Tibet kaga soo horjeedeen Maamulka Bekiin.

Tibet ayaa ah maxmiyad ku hoosjirta Maamulka China, ilaa maantana dadkeedu waxay Dalai Lama u aaminsan yihiin hogaamiye Ruuxu ah.