India: Caruur Ugu Dhimatay Cisbitaalka Dawlada Neefta Oo Ku Dhagtay




Ugu yaraan 60 caruur ah ayaa ku dhimatay cisbitaal guud oo ku yaala gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga dalka India, waqti ay cisbitaalkaasi hadheeyeen fadeexado ku aadan Neefta Ogsiyjiinta oo laga jaray cisbitaalka kadib markii la bixin waayay lacagahii biilasha ahaa ee la soo dalacay.

Masuuliyiinta gobolka Uttar Pradesh ayaa iyaguna dhankooda qirtay in cisibaalka lagu leeyahay dayntaas la sheegay balse waxay gaashaanka u daruureen in dhimashada caruuran ay xidhiidh la leedahay Ogsijiinta laga jaray cisbitaalka.


Warbaahin maxali ah ayaa sheegtay in cisbitaalka maalmihii u dambeeyay oo dhan ay ka jirtay cabsi iyo Khalkhal lana arkayay Walidiin Caruurtooda Baco Macmal ah u isticmaalaya si ay Neefta Ogsiyiinta ah uga caawiyaan
Badi dhibanayaasha ay masiibadani ku habsatay ayaa ku jiray Waadhka la dhoigo dadka laga dawaynayo xanuunada neef-mareeka ku dhaca.

Dhimashada caruurtan ayaa kabilaabatay maalintii Isniintii kadib markii cisbitaalka Baba Raghav Das ee degaanka Gorakhpur, sodon ka mid ah caruurta dhimatayna waxa la sheegay inay dhinteen maalmahii Khamiistii iyo Jimcihii.
Gobolkan ayaa ka mid ah gobolada ugu saboolsan ee dalka India, waxana jirta in caruur boqolaal kor u dhaafaysa ay u dhintaan sanadkiiba cuduro laga hortagi karo.