Koonfur Galbeed Oo CXDS Kula Dardaarantay In Ay Daacad U Noqdaan Maleeshiyadda Roobow




Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia ayaa kula dardaarmay ciidamada dowlada Federaalka iyo kuwa maamulka ee ku sugan deegaano ku dhow dhow deegaanka Abal.

Xasan Xuseen ”Eelaay”, Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada ku sugan deegaanada ku dhow dhow Abal ay muujiyaan dulqaad inta lagu guda jiro dagaalka ka dhanka ah Shabaabka weeraray Mukhtaar Roobow.

Wasiirka waxa uu sheegay in ciidamada laga doonaayo inay daacad u noqdaan Mukhtaar Roobow oo dagaal kula jira Shabaabka duulaanka kusoo qaaday, waxa uuna sheegay inay ka go’an tahay dhabar jabinta Shabaab.

Wasiir Eelaay waxa uu intaa raaciyay in ciidamada loo diray Mukhtaar Roobow ay iminka ku sugan yihiin dhufeysyo dhowr ah, isla markaana ay diyaar u yihiin la dagaalanka Shabaab.

Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa inay la socdaan in dhibaatooyin farabadan ay ka jiraan deegaanada ku hareereysan Abal, balse Maamulka Koonfur Galbeed uu wado dadaalo arrimahaasi wax looga qabanayo.

Wasiir Eelaay ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii Ciidamada Koonfur Galbeed ay u heli lahaayeen xaqa iyo xuquuqda ay leeyihiin, si ay isaga difaacaan ururka Al-shabaab ee ku sugan degaanadaasi.

Geesta kale, ciidamada ayuu kaga digay inay faarujiyaan goobaha ay hadda ku sugan yihiin, iyadoo haddii ay wax soo kordhaan loo diyaariyay gurmad.