Tobban Iyo Saddex Wasiir Oo Iska Casilay Maamul Hoosaadka Hir Shabeele Hadda




Toban iyo saddex wasiiro oo isugu jira wasiir iyo wasiiro kuxigeeno ay goor dhow iska casilay xukuumada hoosaadka uu hogaamyo madaxweyne Cosoble, iyadoo uu sii xoogeystay ololaha ka dhan ah madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Shir jaraa’id oo wasiirada goor dhow ku qabteen magaalada Jowhar ayay sheegeen inay isku casileen waxqabad la’aan Madaxweynaha Hirshabeelle iyo inuu ka gaabiyay howlihii loo igmaday.

Qaar ka mid ah Wasiirada is casilay ayaa ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Hirshabeelle, iayaga oo ku biiray ololaha ka dhanka ah Madaxweynaha Hirshabeelle oo saaka laga diyaariyay mooshin xil ka qaadis ah.

Mooshinka ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa goor dhow lagu wadaa in loo gudbiyo Guddoonka Baarlamaanka, waxaana wararka qaar ay sheegayana inay saxiixeen illaa lixdameeyo xildhibaan.

Guuxa maalmahan ka soo baxayay Xildhibaanada Hirshabeelle ee ku sugnaa magaalada Jowhar ayaa ahaa mid ay ku dalbanayeen inuu dhaco is bedel, isla markaana maamulka Hirshabeelle ay xilligan uu u baahan yahay badbaado, waxaana Madaxweynaha ay ku eedeeyeen waxqabad la’aan uu waqtigiisa ugu badana ku qaatay magaalada Muqdisho.