Heemaal News Network

10 Carruur ah Oo ku Dhimatay Shuban Biyood ka Dilaacay Xereda Barakaca Sh/Hoose

Carruurta geeriyootay oo gaaraya in ka badan 10 ayaa waxaa haleelay Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay Xerada ay ku nool yihiin oo ku taal degaanka Buufow Bacaad ee duleedka magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka ayaa waxaa ay kasoo barakaceen in ka badan 40 Tuulooyin oo ku yaal gobolkaas, waxaana darxumo iyo xaaladado bani’aadanimo ay halkaasi ku heysato, iyaga oo an helin wax gurmad ah.

Qaar kamid ah dadka Barakacayaasha ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen inay xilligan heystaan dhibatooyin kala duwan, sida Hoygii ay ku seexan lahaayeen, Raashin ay cunaan iyo agabyo kale oo muhiim u ah nolosha Bani’adamka.

Waxaa ay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya & Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan maadaama dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca nolosha ah ay heystaan.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku nool kumanaan qoys oo barakacaal ah, kuwaas oo abaar iyo dagaalo uga soo barakacay degaano kale oo ka tirsan Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Related posts

Muuse Biixi Oo ku Faanay Noloshiisa Gaarka Ah.

Heemaall

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo ka Hadlay Shirkii Uu Iclaamiyay Farmaajo

Heemaall

R/W Rooble Oo Oo Howlaha Doorashada U Xil Saaray Wasiiru-dowlaha Xafiiskiisa.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More