Heemaal News Network
somali

10 kun Oo Qof Oo Cabsida Al-shabaab Uga Qaxay Magaalo ku Taala Mozambique.

Xiisad ayaa weli ka taagan magaalada Palma ee dalka Mozambique kadib markii muddo ka badan toddobaad ay weeraro dhimasho geystay ka fuliyeen maleeshiyaad la baxay Al-shabaab oo lala xiriiriyay ururka IS.

Ilaa hadda lamo ogo tirada dadka ku dhintay weerarkaas. Sidoo kale, waxaa jiraa warar soo baxayo oo ku saabsan in dagaallo ay weli ka socdaan Palma.

Ha’yadaha gargaarka waxay sheegeen in ku dhawaad 10,000 qof laga soo daadgureeyay magaalada lagu hareereysan yahay isla markaana la geeyay gobollada kale ee deriska ah.

Jimcihii waxaa la weeraray warshad shidaal oo ay leedahay shirkadda Total saacado uun kadib markii shaqaalaha shirkadda laga daadgureeyay halkaas.

Kumanaan qof ayaa weli ku dhuumaaleysanaya keymaha ku yaalla Palma iyagoo ka cabsi qabo in maleeshiyaadka ay beegsadaan, dadkaas oo u baahan hoy, biyo iyo cunto.

Related posts

Ciidamada Mucaaradka Oo Caawa la Wareegay Xarunta Degmada Howl-wadaag.

Heemaall

Maxkamada Sare Ee Kenya Oo Fasaxday In Dameeraha la Qasho Lana Iibiyo Hilibkooda.

Heemaall

Xaaladihii Ugu Denbeeyay Ee Covid 19 Ee Somaliland Oo Laga Warbixiyay.

Heemaall