11 Qof Oo Lagu Dilay Dagaal Maanta ka Dhacay DR Congo.

Dagaal udhaxeeya ciidanka Dowlada Congo iyo Kooxa maleeshiyo ah ayaa galaaftay nolosha 11 qof, wuxuuna jabiyay heshiis nabadeed oo laga gaaray colaada ragaadisay waqooyi-bari ee dalka, sida laga soo xigtay ilo Katirsan Qaramada Midoobay .

Sida ay sheegtay idaacada UN-KA Rabshadaha ka dhacay gobolka Ituri ayaa waxaa ku dhintay , seddex askari, lix dagaalyahano maleeshiyada ah, iyo labo qof oo rayid ah.

Jabhadda Mucaaridka Wadaniga ah ee Gobolka Ituri (FRPI), oo ka mid ahayd dhaqdhaqaaqyo badan oo jabhadeed oo ka hawl gala bariga DR Congo, ayaa heshiis nabadeed la saxiixday dowladda 28-kii Febraayo ee sanadkan, iyadoo ay goob joog ka ahayd Qaramada Midoobay.

Heshiiska ayaa dhigayay xabad joojin iyo in dagaalyahanada FRPI lagu daro ciidamada, iyada oo la soo saaray sharci qabyo ah oo cafis siinaya mucaaradka marka laga reebo kiisaska dambiyada dagaal iyo kuwa ka dhanka ah aadanaha.

Dagaalka ayaa la rumeysan yahay inuu qarxay, Kadib markii askarta Dowlada ay rasaas ku fureen si ay u kala kaxeeyaan dagaalyahanada FRPI oo isku dayay inay weeraraan xarun taliska militariga ah.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy