12 Qof Oo Lagu Toogtay Gobolka Amxaarada Ee Galbeedka Itoobiy.

Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay gobolka galbeedka Itoobiya ku yaalla ee Benishangul-Gumuz, iyadoo wax ka yar labo toddobaad kahorna ay rabshado noocan oo kale ah ka dhaceen gobolkaas.

Afhayeen u hadlay gobolkaas oo lagu magacaabo Melese Beyene, ayaa sheegay in rabshadaha ay ahaayeen “isku dhacyo u dhaxeeya shakhsiyaad” isla markaana la xiray dadkii ku lugta lahaa.

Balse sarkaal sare oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa mucaaradka ah ee Amxaarada, Desalegn Chane, ayaa sheegay in xiisaddu ay daba socoto tii hore gobolka uga dhacday ee la xiriirtay isirka.

Wuxuu sheegay in tirada dhimashada ay gaari karto 18.

Toddobaadkii la soo dhaafay saraakiil ka tirsan gobolkaas ayaa sheegay in 14 qof lagu dilay weerarro ka dhacay halkaas. Afar iyo toban kale oo la sheegay inay ahaayeen kuwii weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale la dilay.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy