13 Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Dalka Koonfur Afrika.

Ciidamada booliska dalka koonfur Afrika ayaa waxaa ay Xasiga dhigeen 13 ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay dib u farsameynayeen waxyaabaha dhaca si loo iibgeeyo.

Ciidamada ayaa galay Warshad lagu farsameeyo waxyaabaha dhacay oo ku taalla degaanka , iyaga oo kasoo xiray 13 Muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana Booliska ay sheegeen in dadkaasi ay farsameynayeen waxyaabaha dhacay, isla markaana ay Bulshada dib uga iibinayeen.

Sarkaal o hadlay booliska Springs, Ee Gobolka Gauteng ayaa sheegay in raga ay xireen ay ku wareejiyeen Hay’adaha dambi barista, isla markaana uu rajeynayo in dhawaan Maxkamad la soo taago.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxaa ay burburiyeen Agab kala duwan oo dhacay, kuwaas oo Warshada ay dib u farsameysay si aan dukaamada loogu iibin markale.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku sugan Soomaali farabadan, kuwaas oo Burcadda Koonfur Afrikaanka ah kala kulmay falal isugu jira, Dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy