14 Jirka Uu Dhalay Trump Oo Laga Helay Cudurka Covid 19.

Wiilka 14 jir ah ee lagu magacaabo Barron oo uu dhalay madaxweyne Trump ayaa laga helay fayraska Korona balse marwada koowaad ee Mareykanka, Melania Trump, ayaa sheegtay inuu ka bogsaday cudurka wiilkaasi.

Melina Trump ayaa sheegtay in ay aad uga cabsatay xaaladda wiilka Barron kaddib markii laga helay cudurka Covid-19, balse nasiib wanaag uu noqday wiil da’yar, sidaa awgeedna aysan ka muuqan astaamihii cudurkaasi.

Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa Melina ayuu horey cudurkan u haleelay balse haatan ka bogsaday.

Trump ayaa markii dambe sheegay in wiilkiisa Barron uu xanuunkani hayay muddo aad u yar isla markaana uu ka bogsaday maadaama buu yiri difaaciisa jirka uu aad u wanaagsan yahay.

Waxa uu intaasi ku daray in Barron uu tusaale fiican u yahay carruurta dalkaasi Mareykanka iyo sida ay gagsi ugu yeelan karaan cudurkaasi, sidaa awgeedna ay tahay in iskoollada dalka dib loo furo sida ugu dhakhsaha badan. Arrintaasi ayaa waxaa aad uga soo horjeesaday ururka midowga macallimiinta dalkaasi, kuwaa oo ku doodaya in ay suurtagal tahay in macallimiin badan ay qaadaan cudurkaasi.

Xog uruurin la sameeyay saddex usbuuc uun ka hor doorashada dalkaasi ayaa lagu ogaaday in Trump uu taageero ahaan ka hooseeyo ninka la tartamaya ee Joe Biden.

Melina Trump ayaa dhankeeda sheegtay in Barron laga helay cudurkaasi muddo haatan laga joogo laba usbuuc balse markii dambe uu ka bogsaday oo baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in uusan haatan qabin cudurkaasi.

Sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins, cudurka Covid-19 ayaa guud ahaan dalkaasi Mareykanka waxa uu soo ritay 7.8 milyan oo qof halka ay u dhinteen qiyaastii 216,000 oo qof.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy