Heemaal News Network
Caalamka

Dalalka Masar, Somalia & Eritrea Oo Noqday Dalalka Ugu Xun Ee Suxufiyiintu Ka Hawl-galaan

Dalalka Masar, Eritrea iyo Cameroon ayaa noqday dalalka dunida ugu xun ee suxufiyiinta lagu xidho, sida lagu xusay warbixin ay Gudida Ilaalinta Suxufiyiinta ee magaciida loo yaqaan Committee to Protect Journalists (CPJ)

Sanadkii afaraad gudihiisa 250 Suxufi ayaa ku xidhan dunida, kuwaas oo 39 ka mid ah ay ku xidhan yihiin dalalka Saxaraha ka hooseeya ee qaarada Africa sida lagu sheegay Warbixinta.

Ururkan CPJ ayaa sheegay in 26 Suxufi lagu xidhay dalka Masar kuwaas oo si koox-koox ah loo soo taagay Maxkamad laguno soo oogay dacwado ay ka mid yihiin taageero argagixiso iyo baahin warar been abuur ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay xusid mudan tahay in suxufiyiinta lagu xidh-xidhay Maar ay ku jiraan qaar xabsiga la dhigay kahor mudaharaadadii u dambeeyay ee 19 September ay dadka reer Masar kala hor yimaadeen musuqmaasuqa xukunka kaligii taliska ah ee Abdul Fattah al-Sisi.

Warbixinta ayaa lagu sidoo kale lagu xisay in Eritrea lagu xidhay 16 Wariye, kuwaas oo xabsiga ku jira tan iyo sanadkii 2001dii oo ahayd waqtigii ay Dawlada Eritrea albaabada u laabtay dhamaan warbaahintii madaxa banaanayd ee dalkaas.

Dhinaca Camaroon waxa warbixintu xustay in ay ku xidhan yihiin 7 wariye oo ay ku jiraan qaar la xukumay 15 sano, kuwaas oo lagu eedeeyay fidinta warar been abuur ah, balse ay xaqiiqdu tahay in ay xukuumadu damacsanayd inay ka hor tagto dareenka dadka ku hadlka afka Ingiriisiga ee doonaya inay Cameroon inteeda ku hadasha Faransiiska ka madax banaanaadaan.

Somalia ayaa warbixintu sheegtay inay adagtay in la xaqiijiyo tirada Suxufiyiinta ee ku xidhan, waxana ay intan ku dartay in Suxufiyiinta Somalia ka hawlgalaa ay yihiin kuwo ku shaqeeya duruufo qalafsan oo mararka qaar halis galiya naftooda, sidoo kale ay dheertay xogaha warka oo aan loo ogolaan in la siiyo, hadii ay baahiyaana ay khatar iskugu jirta, xadhig, hanjabaad, dil iyo tacadiyo kale la kulmaan

Dhinaca dunida kale dalalka Shiinaha Sucuudiga iyo Turkiga ayaa ah meelaha ay suxufiyiinta ugu badan ku xidhan yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More