Heemaal News Network
cayaaraha

17 Kooxood Oo Xaqiijiyay In Ay Cayaarayaan Champions League 2021-2022

Horyaalada Yurub ayaa gabagabo ku dhow taasoo la micno ah in durbaba la sii ogaanayo kooxaha u soo baxaya wareega group-yada Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda.

Ilaa iyo haatan 17 kooxood oo waa weyn ayaa xaqiijistay inay u soo gudbeen wareega group-yada Champions League ee xilli ciyaareedka 2021-22.
Horyaalka Ingariiska kooxda hanatay Premier League Manchester City iyo kooxda deriskeeda ah ee Manchester United oo kaalinta labaad ku jira ayaa haatan xaqiijistay inay u soo baxeen wareega group-yada Champions League iyadoo labada boos kale lagu tartamayo.

Horyaalka Spain ee La Liga waxaa durbaba la xaqiijiyay afarta kooxood ee xilli ciyaareedka danbe ka dheeli doona horyaalka oo kala ah: Atletico Madrid, Barcelona, Real Madrid iyo Sevilla.

Horyaalka Bundesliga kooxda hanatay horyaalka ee Bayern Munich, Borussia Dortmund, Wolfsburg iyo RB Leipzig ayaa ka soo baxay.

Horyaalka Talyaaniga waxaa ka soo baxay Inter Milan oo ku guuleysatay Serie A, waxaa iyadana booskeeda xaqiijisatay kooxda Atalanta oo wacdarro dhigeysay sannadihii ugu danbeeyay.

Ajax ayaa ka soo baxday Holland halka Portugal ay ka soo baxeen FC Porto iyo Sporting Lisbon, waxaa sidoo kale wareega group-yada Champions League xaqiijistay kooxaha Ruushka iyo Ukraine ee Zenit iyo Dynamo Kiev.

Related posts

Manchester United Oo Karbaashtay Tottenham Iskuna Fidisay Booska Labbaad

Heemaal

Dawlada UK Oo Si Xoogleh Uga Soo Horjeesatay Horyaalka Cusub Ee European Super League

Heemaal

Talyaaniga Oo Ku Guuleystay Koobka Euro 2020

Heemaal