Romelu Lukaku Oo Durba Caalamka Tusay In Lagu Khaldamay Lacagtii Badnayad Ee Lagu Iibsaday




Weeraryahanka xulka qaranka Belguim iyo kooxda Man United ee Romelu Lukaku ayaa durba weeraro kala duwan kala kulmaya taageerayaasha iyada oo lagu hadal hayo baraha bulshada.

Xiddigan ayaa United ugu wareegay lacag dhan 75 Milyan oo euro isaga oo noqday weeraryahanka ugu qaalisan taariikhda horyaalka Premier league.

Laakiin xiddigan ayaa si cad u seegay gool uu dhalin karay kulankii ay kooxdiisu guusha weyn ee 5/2 ah ka gaartay kooxda Los Angeles.