Aqalka Sarre Oo Boos Galangal Ka Cidhiidhsaday Khilaafka Maxkamada Sare Iyo BFS

Iyadoo hadda khilaaf uu ka dhex taagan yahay xubnaha Hay’adaha Garsoorka dalka iyo Golaha Shacabka Somaliya, kadib markii Baarlamaanka ay diideen go’aankii maxkamadda sare ee dib ugu laabashada kuraas sided xubnood doorashadooda, ayaa Xubnaha Aqalka Sare waxa ay sheegeen inay soo faragelinayaan khilaafka taagan.

Gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee dalka Abshir Bukhaari oo la hadlay warbaahinta Muqdisho, ayaa sheegay inay isku dayayaan xalinta khilaafka labadan Hay’adood ka dhex taagan.

“Aqalka sare howshaas waa ku howlan yahay, hey’adihii dhammaan ay arrintaas khuseysay kulamo ayuu la wadaa, waxaan ku rajo weynahay in laga gaari doono xal sababa xasilooni siyaasadeed dalka in uu ku jiro.” Ayuu yiri Abshir Bukhaari.

Gudoomiye ku xigeenka aqalka sare ayaa sidoo kale sheegay in Hay’addaha Garsoorka iyo Golaha Shacabka ay yihiin laba Hay’adood oo kala madax banaan.

“Dabcan wey kala madaxbanaan yihiin oo hey’adaha dowladda waa 3 hey’adood, hey’adda garsoorka, hey’adda sharci dejinta iyo midda fulinta, laakin waxa meeshan ku jiro waxaa waaye xal siyaasadeed howl lagu soo qabtay oo u baahan xal siyaasadeed, marka aqalka sare waxaa uu ku howlan yahay sidii looga gaari lahaa xasilooni siyaasadeed.”

Aragtidaada Ka Dhiibo

Faalo