Koofur Galbeed Oo Diiday Go’aanka Maxkamada Sarre Ka Gaadhay 8 Kursi Oo Moranku Ka Taagan Yahay

Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay go’aankii ka soo baxay maxkamada Sare ee dalka taas oo lagu sheegay in dib loogu noqonayo 8 Kursi oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa iska diiday go’aanka maxkamada sare, waxeyna ku tilmaameen inuu yahay mid iska hor keenaya Shacabka ku dhaqan Koofur Galbeed iyo xubnaha umatalaya baarlamaanka Soomaaliya.

Waxey taageereen go’aanka Sabtidii ka soo baxay golaha shacabka kaas oo ahaa iney laaleen go’aankii Maxkamada Sare, Golaha Shacabka ayaa 180 ka maid ah “Haa” ugu codeeyay inaan dib loogu laaban doorashada.

Xasan Xuseen oo ah Wasiirka hubka dhigista iyo dhaqan celin maleeshiyaadka Maamulka Koofur Galbeed ayaa saxaafada Baydhabo ugu sheegay inuu cad yahay mowqifkooda, si cadaalad ahna ay udhacday doorashada xildhibaanadii ka soo baxay deegaanada Koofur Galbeed.

 

Aragtidaada Ka Dhiibo

Faalo