Neymar Oo Ka Huleelay Barcelona Una Jihaystay Kooxda Reer Qatar Ee Paris St-Germain

Laacibka reer Brazil, Neymar ayaa maanta oo Arbaca ah u sheegay saaxiibadiisa ciyaartoydka Kooxda Barcelona inuu isaga tagi doono naadigaasi.

Neymar ayaa hada loo fasaxay si rasmi ah inuu gorgortan ama wadahadal la galo naadiga laga leeyahay dalka France ee Paris St-Germain (PSG) oo la filayo inay ku bixiso heshiiskan lacag gaareysa 222 million euro ($262 million dollar).

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu noqdo kii ugu qaalisanaa taariikhda oo ay naadigaasi kula soo wareegto ciyaartoy.

Wadahadalka Neymar loola soo wareegayo ayaa waxaa bilaabay Madaxa naadiga PSG Nasser Al-Khelaifi.

Tababaraha kooxda Barcelona ayaa maanta u ogolaaday Neymar inoo joojiyo tababarada uu la qaadanayey ciyaartoyda kale ee Barcelona.

Kooxda PSG ayaa waxaa sanadkii 2011 la wareegay shirkada laga leeyahay dalka Qatar ee [Oryx Qatar Sports Investments] shirkadaasi oo intii ay la wareegtay maamulida kooxda PSG lacag badan ku bixisay ciyaartoy cusub oo naadigaasi lagu soo daray.

Waxaa kamid ahaa ciyaartoydaasi Edinson Cavani oo ka yimid Napoli heshiiskaasi oo lagu bxiyey in ka badan 55milyan sanadkii 2013.

Laacibka Barcelon ee Neymar ayaa kusoo biiray kooxdaasi FC Barcelona sanadkii 2013, isagoo xiligaasi kasoo tagay kooxdii uu u ciyaari jiray ee reer Brazil (Santos).

Neymar ayaa xiligaasi Barcelona u saxiixay heshiiska ku baxay in ku dhaw 50 milyan oo dollar.

Wuxuuna sanadkii hore ee 2016 markale heshiis la filayey inuu socon doono 5 sano u saxiixay isla kooxdaasi Barcelona oo ah mid 24 jeer ku guuleysatay horyaalka dalka Spain.

Aragtidaada Ka Dhiibo

Faalo