Qarxyo Ka Dhacay Gobolka Bay Oo Lagu Dilay Askar Ethopian Ah Iyo Soomaali Ah

Qaraxyo toddoba skari looga dilay askarta isbaahaysiga ee maamulka Koonfur Galbeed iyo Itoobiya ayaa ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.

Qaraxa koowaad ayaa haleelay gaari cabdi bile ah oo ay wateen ciidamo katirsan Itoobiya kuwaas oo ka soo amba baxay degmada Waajid ee gobolka Bakool kuna sii jeeday magaalada Baydhabo.

Wariye ku sugan Gobolka Bay ayaa sheegay in gaariga uu qaraxu haleelay gabi ahaantiisba uu burburay waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamadii saarnaa, dhimashada ciidamada Itoobiya ayaa lagu sheegay in ay gaartay sedax askari iyada oo ay ka dhaawacmeen tobaneeyo askari.

Dhinaca kale qarax ka dhacay gudaha deegaanka Goofguduud Buuray waxaa ku dhintay afar askari oo katirsanaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ciidamada oo watay Moota Bajaaj ay miino kula kacday gudaha Goofguduud mana jirin wax ka badbaaday qaraxa qabsaday Moota Bajaajta.

Ciidamada Itoobiya oo afar maalmood ka hor kasoo dhaqaaqay degmada Waajid ayaa inta ay wadada kujiraan waxay la kulmeen laba weerar oo looga dilay toddoba askari islamarkaana labbo gaari looga gubay.

Aragtidaada Ka Dhiibo

Faalo