Maleeshiyaad Ka Tirsanaa Alshabaab Oo Isku Dhiibay Ciidanka Amniga Ee Maamul Hoosaadka Koofur Galbeed

Saraakiil ka tirsan maamul hoosaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen Gobalada Bay iyo Bakool Koonfur Galbeed.

Dagaalamayaashaan oo ka koobnaa ilaa 3 askari ayaa iska dhiibay magaalooyinka Waajid iyo Qansax Dheere oo ka kala Tirsan Baay iyo Bakool sida ay sheegeen saraakiisha amaanka.

Labo ka mid ah ciidamadaan ka soo goostay shabaab ayaa iska dhiibay Degmada Qansax dheere ee gobalka Bay halka midka kalane uu iska dhiibay degmada Waajid ee Gobalka Bakool.

Ciidamada isdhiibay ee la sheegay in ay ka soo goosteen Al-Shabaab ayaa watay hubkii ay ku dagaalamayeen oo u ahaa qoryaha AK47 waxaana hubkooda kala wareegay ciidamada amaanka.

Saraakiisha amaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay gacanta maamulka ku jiraan Ciidankaasi Islamarkaana dhaqan celin lagu sameyn doono iyadoo kuwa kale ee ka tirsan Shabaab ay maamulka ugu baaqeen in ay ku soo biiraan maamulkooda.

Aragtidaada Ka Dhiibo

Faalo