Faahfaahinta: Qaadlayaal Reer Awdal U Badan Oo Lagu La,yay Deegaanka Itoobiya Iyo Qaad La,aan ka Jirta Borama.

Faahfaahinta Allah haw naxariistee rag tiradooda lagu sheegay ilaa 20 qof oo soomaali ah ayaa shalay lagu dilay magaalada Haawaday oo ah magaalooyinka Jaadka laga soo raro ee dalka Itoobiya.

Soomaalidan la dilay ayaa la sheegay in 13 ka mida ay kasoo jeedaan Gobolka Awdal waxaana ay intooda badan iskugu jiray dad Jaadka ka ganacsada iyo Darawaliin,Iibiyayaal Qaad,Raaciga Qaadka iyo shaqaale hoosaad kale, kuwaas oo qaarkood ku noolaayeen deegaanadda Qoomiyadda Oromadda.

Illaa hadda si rasmiya looma sheegin sababta soomaaliddan loo laayey, hasse ahaatee dadka qaar waxay ku tilmaameen khilaaf deegaan oo u dhexeeya Soomaalidda iyo qoomiyadda Oromadda, kuwaas oo keentay in soomaaliddii ka dhex shaqaysanayey ay laayaan.

Dhinaca kale, magaalooyinka Somaliland ayaa maanta laga dareemay qaad la’aan soo waajahday ka dib markii soomaalidii u joogtay deegaanadii Qaadka laga soo qaadayey la laayay,isla markaana Oromadii jaadka beeraysay ku kacday soomaalidda, taas ayaa keentay in wax jaad ah laga keeno Itoobiya.

Heemaalnews oo Maanta la xidhiidhay magaalada Haawaday ayaa loo sheegay in gabi ahaanba maqsinadii Qaadka ee Haawaday albaabada loo laabay oo aanay shaqaynayn kadib markii shaqaalihii Qaadka ee dhagartaa ka badbaaday ay nafahooda ula carareen dhinaca magaalada Herer,
Waxaana Halkan idiin kusoo gubbinaynaa Jufooyinkii ay ka soo kala jeedeen Alaha u naxariistee 13kii nine ee reer awdal
2 Aadan Yoonis Makaahiil Gadabuursi
3 Reer Xaamud Habar-cafaan Gadabuursi
1 Bahabar Aadan Maxad Case Gadabuursi
1 Reer Nuur Makaahiil Gadabuursi
6 Jibriilyoonis Makaahiil Gadabuursi

Aragtidaada Ka Dhiibo

Faalo