Cayaaryahan Somaliyeed Oo Markii Ugu Horeysay ka Qeybgali doona Kuubka Aduunka.

Ciyaaryahan Mukhtaar Cali Afgooye oo Soomaali ah ayaa ka mid noqday Xulka Kubadda cagta ee Sacuudi Carabiya, waxaana la filayaa in markii ugu ka horeysay uu qeybgalo cayaarta Kubadda Cagta Aduunka ee lagu qaban doono dalka Ruushka.

Mukhtaar oo ku dhashay dalka Sacuudiga sanadkii 1997, ayaa ku koray dalka Ingiriiska, waxaa uu ka mid noqday da’yarta Kooxda K/cagta ee Chelsea, isagoo ka baxay Akadeemiyada kooxdaas.

Waxaa uu soo ciyaaray Xulka Ingiriiska, gaar ahaan ciyaartoyda ay da’dooda ka hooseyso 16 iyo 17 jirka.

Mukhataar ayaa kooxda Chelsea kula guuleystay Koobka da’yarta ee FA Youth Cup iyo Koobka da’yarta Horyaalada Yurub ee Uefa Youth Cup sanadihii 2015/2016.

Cayaartoyga Soomaaliga ah leh xirfad Kubaddeed, waxaa uu ka ciyaaraa khadka dhexe, isaga oo noqon doona ciyaaryahankii u horeeyay oo Soomaali ah oo ka qeyb gala Tartanka Ciyaaraha Adduunka ee lagu qaban doono dalka Ruushka sanadka 2018.

Qoraal ku qornaa afka Carabiga oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu uga mahad celiyay U adeegaha Labada Xaram iyo dhaxal sugihiisa, waxaa uu tilmaamay inay sharaf u tahay inuu u adeego Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana uu matalo Xulka Qaranka.

Waxaa uu tababar la bilaabay xulka Kubadda cagta ee Sacuudiga oo mar hore ku guuleystay in uu xaqiijiyo u soo bixida Koobka Adduunka.

 

Comments

comments