Theo Hernandez Oo Ku Dabaaldagay Sawirro Uu Ku bahdilay Kooxdiisa Kana Cadhoodeen Taageerayaasha Kooxdu

Difaaca kooxda Real Madrid ee Theo Hernandez ayaa maanta u dabaal degaay sanad guurada 20 aad ee ka soo wareegtay dhalashadiisa laakiin sawiro xafladayntiisa ku sameeyay ayaa keenay muran badan kadib waxyaabo ayna jeclaysan jamaahiirta kooxdiisa Los Blancos.

Theo Hernandez ayaa xagaagii dhawaa Real Madrid kaga soo biiray kooxda ay colaada wayni ka dhexayso ee Atletico Madrid waxaana xaflada dhalashadiisa kala soo qayb galay walaalkiisa Lucas Hernandez oo isagu wali ka tirsan kooxdiisa Atletico Madrid.

Sawiro lagu daabacay barbaraha bulshada ayaa keenay in su’aalo badan iyo muran uu ka dhasho kadib markii uu Theo Hernandez soo baxay isaga oo madax looga hayo xabad ama baastoolad isla markaana rag been abuur ah oo booliis loo soo eekaysiiyay loo soo xidhay maaliyada Real Madrid.

Arintan ayaa ah mid si cad loogu turjuman karo in Theo Hernandez lagu qasbay ku biiristiisii Real Madrid taas oo keentay in uu eedayn badan kula kulmo.
Sida aad sawirada ka arki karto Theo Hernandez ayaa sawiradan ka soo muuqday iyada oo waxyaabaha dadka looga cabsiiyo ama lagu aftuudbto ku hoos jira sida xabad ama wax la mid ah taas oo keentay fikrado badan iyo eedayn.

Waxa kale oo ka mid ah sawirada cadhada abuuray mid Theo Hernandez uu kala soo muuqday walaalkiisa Lucas Hernandez ee ka tirsan kooxda Atletico Madrid kaas oo si aan fiicnayn walaalkii sare ula haya Cake-lagu sameeyay sanad guurada 20 aad ee dhalashada Theo isla markaana lagu soo xardhay maaliyada Real Madrid.

Sawirada kale ee muranka dhaliyay waxaa ka mid ah mid Theo Hernandez dusha loogaga taagan yahay xabado been abuur ah isla markaana uu iska dhigo sidii uu is dhiibay waxaana mid kale oo muran kale abuurayay laakiin dadka qaar ayaa waxan oo dhan u turjumay ku biiristiisii Real Madrid.

Theo Hernandez ayaa barihiisa bulshada ka tirtiray ama ka delete-gareeyay sawiradan laakiin haddaba waxa uu kula kulmay eedayn iyada oo siyaabo kala duwan looga falceliyay.

Comments

comments