Amniga Guud Ee Muqdisho Oo Niyad Wanaag Laga Muujiyay

Wasaaradda amniga dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu soo hagaagayo amniga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana ay ugu baaqday shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Axmed Maxamuud Sayid Carab ayaa sheegay in howl galada xasilinta ee ka socday magaalada Muqdisho uu suura geliyay in hubkii cuslaa ee lagu watay magaalada la uruuriyo, isla markaana uu yaraado hubkii cuslaa ee lagu wadan jiray magaalada.

“Magaalada Muqdisho hubkii faraha badnaa ama qoryihii cuslaa, sida BKM iyo baabuurti ciidamada waa yaraadeen, waxay taas ku timid howl galada ciidamada xasilinta oo lagu uruuriyay hubka sharci darada”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ammaanka magaalada uu soo hagaagay, isla markaana Wasiirada qaar ammaankooda ay ilaaliyaan labo askari kaliya sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Gobolka Banaadir inay ku baraarugaan in Shabaabka ay duulaan ku yihiin, isla markaana cid walba ay u siman yihiin inay dilaan, loona baahan yahay inay kacdoon wadajir ah sameeyaan, si Shabaabka looga soo horjeesto.

Magaalada waxaa ka soconaya howlgalo habeen iyo maalin ah oo ay wadaan ciidamada xasilint oo aad ku arkeyso Isgooysyada muhiimka ah iyaga oo baaraya gadiidka gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha.

Comments

comments