Iiraan Oo Sharci Darro Ku Sheegay Kaluumaysto Tuug Ah Oo Lagu Xidhay Puntland

Dowladda Iran ayaa markii u horraysay ka hadashay xaaladda kalluumaysato u dhashay wadankeeda oo ciidamadda Puntland ay ka soo qabteen xeebaha degmadda Xaafuun ee gobolka Karkaar.

Kalluumaysatadan iyo doontii ay wateen ayaa haatan lagu hayaa Dekeda magaaladda Bosaso.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha gobolka Sistan Balochestan ee dalka Iiran Ali Asghar Mir-Shekari oo waraysi siiyay Wakaaladda Wararka ee Iiraan,ayaa sharci darro ku tilmaamay xariga badmaaxayaasha Iiraaniyiinta ah iyo doonidii ay wateen, waxaana uu sheegay in doonidu ay ka kalluumaysanaysay biyaha Caalamiga ah. arrintaasi ay haatan gacanta ku hayso wasaaradda arrimaha Dibadda

Wuxuu sheegay in 27 bishii September doonida iyo 18 shaqaale oo saarnaa ay ka soo shiraacdeen Dekeda Konarak ee gobolka Sistan iyo Balochestan, iyagoo ogolaansho ka haysta maamulka gobolkaaasi inay ka soo kalluumaystaan biyaha caalamiga ah. wuxuu sheegay in sharci darro tahay tallaabada ay Soomaalidu qaadeen marka loo eego shuruucda caalamiga ah
Howlgal ay ciidamada Puntland ay ka sameeyeen xeebaha xaafuun ay ku soo qabteen Doonida iyo shaqaalihii, kuwasoo isku dayay inay baxsadaan, hase yeeshee xabado ay ciidamadu ku fureen ayaa waxaa ku dhintay Kabtankii doonida, waxaana ku dhaawacmay nin kale, waxaana gacanta ku soo dhigeen 16 badmaaxe oo la keenay Dekeda Magaaladda Bosaso saddex maalmood ka hor.

Ciidamada Puntland Oo Toogsho Ku Dilay Naakhuude Waday Doon Sharci Darro Ku Gashay badda Soomaliya

Koox Aan La Garanayn Oo Askar Ka Tirsan Ciidanka Puntland Ku laysay Magaalada Boosaaso

Comments

comments