Dowladda Kenya Oo Mucaaradka ka Mamnuucday Mudaharaadyo Ay ka Dhigaan Sadax Magaalo Oo Waawayn.

Dowladda Kenya ayaa mamnuucday in dibadbaxyo lagu qabto gudaha saddex magaalo oo waaweyn oo kala ah caasimadda Nairobi, Kismu iyo Mombassa.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Fred Matiang’I, ayaa sheegay in mamnuuciddaasi looga golleeyahay in lagu badbaadiyo hantida iyo shacabka Kenya.

Taageerayaasha mucaaradka ayaa dibadbaxyo joogta ah ka dhigayay magaalooyinkani saddexda ah, waxaana inta badan dibadbaxyadaasi ka dhashay bililiqo iyo isku dhacyo dhex maray booliska iyo taageerayaasha mucaaradka oo dalbanaya isbadal dhanka doorashooyinka ah.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa isaga haray tartanka doorashada loo ballansan yahay 26-ka bishan.

Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa laashay natiijada doorashadii dalka ka dhacday billowgii bishii siddeedaad, taa oo uu ku soo baxay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Matiang’i ayaa sheegay in ujeeddada mamnuuciddan aysan ahayn in dadka loogu diido xaquuqdooda dastuuriga ah ee ay dibadbaxyada ku dhigi karaan balse tahay mid lagu heshiiyay kaddib markii mas’uuliyiintu ay arkeen haliska dalka ku soo wajahan.

Wasiirka ayaa shir jaraa’id ka sheegay in ay cabasho uga timid dadka gancsatada ah oo ka sheegtay saameynta xun ee ay dibadbaxyadu ku yeesheen gancsigoo

“Sidan kuma sii socon karno. Waa nasiib darro in aan aragno dadka oo gawaaridooda la burburinayo, hantida dadka oo la baabi’inayo iyada oo qiil laga dhiganayo dibadbaxyo nabdoon. Waa khasab in aan sharciga ilaalino,” ayuu yiri Matiang’i.

Waxa uu sidoo kale sheegay in saraakiisha sarsare ee mucaaradka ay qaadan doonaan mas’uuliyadda rabshadihii dhacay shalay oo arbaco ahayd.

Raila Odinga ayaa tartanka uga haray sababo uu ku sheegay in guddiga doorashooyinka uu diiday in ay wax ka qabtaan cabashooyin iyo dalab uu u gudbiyay oo ku saabsan khaladaadkii dhacay xilligii doorashadii hore.

Isbahaysiga mucaaradka ee NASA ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay dibadbaxyadaasi sii wadaan oo ay cadaadis saaraan guddiga doorashooyinka dalka ilaa ay ka ogolaadaan dalabka mucaaradka.

Comments

comments