Anshax-Xumada Taageerayaasha Xisbiga WADANI Waxa ay Daliil U Tahay Cabsida Tartanka Dorashada Ka Haysata.

Muuqaalkan aad u jeedaan waxa uu markhaati kayahay falalkii gacankahadalka ahaa ee Cabdiraxmaan ciro kkusabootiyay golaha baarlamanka dalka waana anshaxdarot ii ee ugu xumaa abit ee uu sameeyo qof masuul ah oo haya jagada gudoomiye baarlamaan.

Musharaxa madaxtinimada ee xisbiga WADANI waxa uu ahaa mudo dheer gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland waxaanu jagadaasi oo uu hayay mudo 15 sano ah ficilkaasi waxa uu ahaa kuu gacanka hadalka ahaa ee uu kula kacay kuxigeenkiisa kadib mooshi ay rabeen in ay ansixiyaan xildhibaanada aqlabiyada ee golaha wakiilada waxaanu feedh kudhuftay gudoomiyaha hada Md Baaashe oo isagu markaa kuxigeenkiisa ahaa. Waxa kukalifay waxa ay ahayd markii uu ogaaday in laga badinayo kadibna sifo sharcidaro ah ayuu u damcay inuu xidho fadhiga.

Hadaba ficiladaasi iyo kuwo ka xun waxa manta ku dhaqmaya taageerayaasha xisbigiisa waxana ay daliil u noqonaysaa baqdin iyo rajobeel ay WADANI ka qabaan doorashad,tan iyo bilawgii ololaha doorashooyinka madaxtinimo ee sedexda xisbi qaran waxa soo kordhaya falaka qalalaasaha ah ee ay samaynayaan taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI.

Taageerayaasha xisbiga WADANI waxa ay kula kaceen ficilo waxshinimo xisbiga KULMIYE maalintii uu u lahaa ololaha ee 22kii Oct 2017 gudaha magaalada Borama. Waxa ay habeenimadiiba bilaabeen in boodhadhkii waawaynaa ee kuyaalay isgoysyada magaalada Borama ay saliid madow oo ah kuwa laga badalo baabuurta ay ku madoobeeyaan labo ka mid ah. Taageerayaasha Xisbiga Wadani waxa ay ku hadlayeen hadalo qabyaaladaysan oo abuuraya cuqdad waxana ay kusoo xoomeen baabuur uu watay gudoomiye kuxigeenka xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal iyaga oo ka jarjaray musawiradii murashaxiinta xisbiga KULMIYE ee ugu dheganaa muraayadaha.

Dhanka kale qaska iyo qalalaasaha taageerayaasha WADANI ee magaalada Borama kumaykoobnayn uun maalintii KULMIYE ulahaa ololaha, haseyeeshee manta oo ay ahayd taariikhdu 24kii Oct, 2017 waxa ololaha doorashada lahaa xisbiga UCID ee mucaaradka ah waxana la arkayay taageerayaal ku labisan garamadii xisbiga WADANI oo fagaaraha khayriyada iyo wadooyinka ay socdeen taageerayaasha xisbiga UCID dhexqaadaya oo qasaya nidaamka ololaha ay u samaysanayaan taageerayaasha xisbiga UCID. Talaabadaasi oo ah mid ku lid ah hanaanka doorashooyinka ee ay komishanku u dhigeen tartanka sedexda xisbi.

Iskusoo wada duuboo waxa aad moodaa in taageerayaasha WADANI lagu soo kiciyay caadifad qabyaaladi kudheehantahay taasi oo sifudud uga arki karto marka aad aragto habdhaqankooda. Waxana ay masuuliyiinta xisbigaasi WADANI u muuqdaan kuwo cabsi ka qaba tartanka madaxtinimo in lagaga guulaysto sidaa darteedna ay ku dhiirigaliyaan taageerayaashooda in ay abuuraan qas iyo dagaal badheedh ah. Hadaba hadii ay sii socdaan falakaasi waxa ay horseedi karaan rabshado hadheeya guud ahaan doorashada taasi oo aan u dan ahayn shacabka, sikastoo ay ahaataba waxa arimahaasi heegan ugu jira ciidamada amniga ee dalka, waxana haboon in laga waantoobo waxaanan ku boorinayaa taageerayaasha xisbiga UCID iyo KULMIYE in ayna iyagu ku dayan oo ay ilaaliyaan amaanka maadaama aad horeba u ilaalinayseen.

© Heemaal News Network. heemaalnews@gmail.com