Farmaajo Oo U Anbabaxay Dalka Isu Taga Imaaraada Carabta Oo Laga Biiliyo Mucaaradka Ka Soo Horjeeda

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa goor dhaw wuxuu u ambabaxay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo la filaayo inuu kulamo kula soo qaato madaxda dalkaasi.

Safarka Madaxweynaha oo ahaa mid horay loo sii ogaa ayaa goor dhaw wuxuu ka duulay Magaalada Muqdisho, waxaana safarkiisa ku wehliya xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliya.

Xiriirka dowladda Somaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu ahaa muddooyinkii dambe mid aad u liitay, kadib markii dowladda Somaliya mowqif dhexdhexaadnimo ah ay ka qaadatay xaaladaha ka taagan dalalka Khaliijka.

Safarka Madaxweynaha uu ugu ambabaxay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu yahay mid si wayn indhaha loogu haayo, maadaama xiriirka labada dal uu liito.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inuu sare u qaado xiriirka labada dalka ka dhaxeeya, sidoo kale dowladda Somaliya ayaa aaminsan in Imaaraadka Carabta ay tahay xarunta dhaqaalaha laga siiyo dadka mucaarada dowladda.

Dowladda Somaliya ayaa horay go’aan uga qaadatay khilaafka ka dhex taagan dowladaha Khaliijka, waxayna dowladda sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafkaasi.

© Heemaal News Network. heemaalnews@gmail.com