Maraykanka Oo Boqolaal Askari kusoo Kordhiyey Ciidamo Horey Uga Joogay Gudaha Somalia.

Waxaa aad loo kordhiyey tirada Ciidanka Maraykanka ee ku sugan Somalia kuwaasoo sannadkan la gaarsiiyey in ka badan 500 oo Askari sida laga soo xigtay saraakiil Maraykan ah

Pentagon Maraykanka ayaa sheegay in boqolaal askar dheeraad ah ay u soo daabuleen Somalia, kuwaasoo ciiddanka degaanka talooyin ka siinaya dagaalka lagu jiro Alshabaab.

Robyan Mark Afhayeenadda Taliska Milliteriga Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) waxay sheegtay in la kordhiyey Ciiddanka Maraykanka ka jooga Somalia, iyadoo sheegtay inay horey u ahaayeen 200 Askari, balse sannadkan lana gaarsiiyey in ka badan 500 askari.

Muhiimada Ciidanka Maraykanka loo kordhiyey ayey sheegtay iney tahay la-talin iyo inay taakuleyaan Hawlgalka AMISOM ee ka socda Somalia.

Xarunta dhexe Ciidanka Maraykanka ee ka hawlgala Somalia laga soo wareejiyey dalka Jarmalka, waxaana haatan si toos ah looga maamulaa Magaaladda Muqdisho sida ay xaqiijyeen saraakiil Maraykan ah.

Bilahan dambe ayaa waxaa aad u kordhay weerarada dhinaca cirka ah ee dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Maraykanka la beegsaadaan saraakiisha iyo dagaalyahanada Al-shabaab.

© Heemaal News Network. heemaalnews@gmail.com