Isimada Puntland Oo Tacriif Cusub U Sameeyey Marsadda Magaalada Boosaaso Soona Af Jaray Khilaafkii

Isimada Puntland oo maanta shir ku qabtay Hotel Gacayte ee magaaladda Bosaso ayaa soo bandhigay go’aan lagu xalinayo muranka ka dhashay kordhinta khidmadaha iyo cashuurta ee badeecooyinka ka soo dega dekeda Bosaso .

Murankaasi ayaa hakad galiyay howlihii dekeda iyo guud ahaan ganacsiga magaaladda.

Qoraalka isimada oo ka koobnaa afar qodob waxaa ku saxiixnaa Boqor Burhaan Boqor Muuse, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, Beeldaaje Cali Beeldaaje Farax,

Suldaan Ciise Maxamed Ciise iyo wakiilka Beeldaajaha, Beeldaaje Yaasin Beeldaaje Cabdullaahi, waxaana lagu sheegay inuu yahay Kumeel gaar ah.

Go’aanka ay soo saareen isimada Puntland waxaa shirka ka akhriyay Yaasiin Beeldaaje Cabdullaahi, waxaana uu u qornaa sidatan:

Sidaan wada ognahay waxaa in mudda ah is fahamiwaa ka jiray mashruuca balaarinta dekeda Bosaso kaas oo sababay inuu hakad galay dhaqdhaqaaqii ganacsiga.

Markaan xogwaraysi la yeelanay qaar ka mida madaxda dowladda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Islamarkaanka ay aanu aragnay xaaladaha jira ayaanu ka gaarnay go’aankan soo socda

  • In laga wada shaqeeyo nabadgelyada, xasiloonida iyo kala damaynta islamarkaana laga fogaado wixii keenaya khilaaf.
  • In la taageero mashriicda horumarineed wadanku u baahan yahay.
  • In dowladu soo bandhigto kana qanciso qaybaha bulshada heshiiska ballaarinta dekeda Bosaso.
  • In lagu dhaqmo tariifada isimmadu soo saareen ee ku meelgaar ah sida ku cad lifaaqa.

Shirka lagu soo bandhigayay go’aanka Isimada waxaa ka qaybgalay Wasiirka Dekeda iyo Gaadiidka badda Puntland, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda, Guddoomiyaha gobolka bari, Duqa degmada Bosaso, Culuma’udiinka, Ganacsatada, aqoonayahanada, Nabadoono iyo qaar ka haweenka ganacsatada ee Bosaso.

Shirka Waxaa khudbado ka jeediyay dhammaan isimadii ku saxiixnaa go’aanka, waxaa kaloo shirka hadalo kooban ka jeediyay Masuuliyiinta ka socotay xukuumadda Puntland, Ganacsatadii,

Nabadoonadii, Aqoonyahanadii iyo Haweenka, dhammaantoodna waxay soo dhaweeyay go’aanka isimadda.

Inkastoo shirka aan lagu faahfaahin Tariifada kumeel gaar ah ee ay isimadu soo saareen, balse sida warbaahintu ogaatay tariifadii hore ee dowladu soo saartay ayaa isbedel lagu sameeyay, waxaana isla maanta isimadu u dhiibeen Wasiirka Dekedaha Puntland iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyadda, taasi oo la doonayo inay dhaqangaliyaan.

Go’aanka isimadu ka gaareen murankii dekeda ayaad la oran karaa wuxuu ahaa mid loo sameeyay isu soo dhawayn dhamaan dhinacyada muranku u dhexeeyey, ganacsatadada ayaa oggolaaday qaybo ka mid ah kordhinta tireefada canshuuraha iyo khidmadaha, taas oo ku xiran in aan dib loo kordhin karin mar danbe tan iyo inta laga dhisaayo dekadda Boosaaso.

© Heemaal News Network. heemaalnews@gmail.com