Sirdoonka Ingiriiska Oo Xabsiga Dhigay Maxkamadna Soo Taagay Rag Ku Eedaysan In Ay Khaarijinayeen Theresa May

Labo ruux ayaa galinka dambe ee maanta ka soo muuqan doona maxkamadda Westminster Magistrates iyaga oo loo haysto in ay maleegayeen sidii ay ku dili lahaayeen ra’iisulwasaraaha Britain Theresa May.

Naa’imur Zakariyah Rahman oo ah 20 jir London degan iyo Mohammed Aqib Imran, oo 21 reer Birmingham ah ayaa lagu soo dacweeyay falal argagixiso.

warbaahinta ayaa ogaatay in eedaymahaas ay qayb ka yihiin qorshe ay bambaanooyin oogu weerari lahaayeen albaabada laga galo xafiiska ra’uusul wasaaraha iyo in ay markaas ka dib mindi ku weeraraan ra’iisulwasaaraha.

Askarta waaxda argagixiso la dagaalanka ayaa wiilashan qabtay 28kii Nofembar.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dib u eegid ammaan lagu sameeyay weerarkii bandhig faneedka Manchester lagu sheegay in ay “arrin loo qaateen ah ay noqon karto” in la dhoho waa laga hortagi karay weerarkaas.

Andrew Parker oo ah taliyaha laanta sirdoonka ee MI5 ayaa shalay ra’iisulwasaaraha iyo golaha wasiirrada la wadaagay sagaal qorshe oo ay kooxo argagixiso ah maleegayeen oo la fashiliyay tan iyo bishii Maarso ee sannadkan.

© Heemaal News Network. heemaalnews@gmail.com