Borqortooyada Sucuudiga Oo Diyaarad Gargaar Iyo Dawooyin Ku Wareejisay Dawlada Somalia

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo cago dhigatay diyaarad siday deeq dawo ah oo ka timid dowladda Sucuudiga,taasi oo dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay si loogu adeego dadka.

Sidoo kale diyaaradaasi ayaa waxaa saarna qaar ka mid ah dad ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho muddo laga joogo dhowr bilood.

Maxamad Cabdalla Almaajid oo ka mid ahaa wafdigii ka socoday dalka Sucuudiga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in diyaarad sida gar-gaar dawo ah oo loogu tala galay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed lagu wareejiyey dowladd Soomaaliya, dhwanaan diyaarado kale oo sida gar-gaara ay soo gaari doonaan Muqdisho.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda gar-gaarka Xukuumadda Soomaaliya Cilmi Cumar Ceynsanye ayaa uga mahadceliyay dowladda Sucuudiga sida ay u garab taagan tahay Soomaaliya.

Tan iyo markii uu dhacay qarixii 14-kii Oct-waxaa sii kordhayay gurmad kale duwan oo ka kala imaanaya wadamada Caalamka,

© Heemaal News Network. heemaalnews@gmail.com