Nin Weerar Argagixiso ka Fulinayay Xarun Basaska Magalada New York Ee Dalka Mareykanka Oo la Qabtay.

Nin aan heybtiisa la aqoon ayaa loo qabtay isku day weerar argagixiso oo uu doonayay inuu ka geysto xarun laga raaco basaska oo ku taala magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Isku dayga weerarkan ayaa dhacay xili dadka kunool magaalada New York ay u kallahayeen shaqooyinka, waxaana duqa magaalada New York oo ka hadlay weerarka uu sheegay in argagixisada marnaba aysan guuleysan doonin.

Saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ninka looga shakiyay inuu weerarka gesytay ay da’diisu tahay 27, lagu na magacaabo Akayed Ullah, waxaana ay intaa ku dareen in ninkani uu ku dhaawacmay qalab ka sameysan walxa qarxa oo ku rakibnaa jirkiisa.

Afar qof oo kale ayaa sidookale waxyeelo aan sidasi u badneyn kasoo gaartay weerarka. Muqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa waxaa ka muuqday nin lagu sheegay inuu yahay Akayed Ullah oo dhulka jiifa.

Duqa magaalada ayaa waxaa kale oo uu sheegay in aysan jirin cidkale oo ninkani weerarka ku wehlisa.

Dadkii ku sugnaa halka ay wax ka dhaceen ayaa kala cararay, waxaana sidookale halkaasi laga soo daad gureeyay dad badan.

Goobtan ayaa ah meel aad u amshquul badan, waxaana la sheegay in dad badani ay baabuurtaka racaan halkaasi xili walba.

© Heemaal News Network. [email protected]