Midawga Yurub Oo Lagu Eedeeyay Tacadiyada Ay U Gaystaan Tahriibayaasha Liibiya.

Dalalka Midawga Yurub ayaa si la ogyahay kaalin oogu leh jir dilka iyo tacadiyada loo gaysto qaxootiga iyo dadka soo galootiga ah ee Liibiya ku sugan, sida ay ku eedaysay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International.

Midawga Yurub ayaa si joogto ah u taageeraya “hab tacadi iyo ku takrifal” ka abuuraya xeebaha Liibiya, arrintaas oo qayb ka ah dadaallada ay ku horjoogsanayaan qulqulka muhaajiriinta sida warbixinta Amnesty lagu sheegay.

Dhaqaalaha uu Midawga Yurub bixiyo ayaa gaaraya xukuumad la shaqaynaysa malayshiyaad iyo dad dadka tahriibiya, sida warbixinta lagu sheegay.

Midawga Yurub ayaa maraakiib, tababar iyo kharashaad siiya ciidammada ilaalada xeebaha Liibiya.

Liibiya ayaa ah marinka muhaajiriinta doonaya in ay Yurub gaaraan.

Dadka Talyaaniga gaaraya iyaga oo badaha sii maraya ayaa aad hoos ugu dhacay tan iyo markii uu Midawga Yurub billaabay in uu gacan qabto ilaalada xeebaha ee Liibiya.

Laakiin Amnesty waxay sheegtay in ilaalada xeebuhu ay la shaqaysanayaan burcad dambiile yaal ah oo gaystay tacadiyo kala duwan, iyadoo ay arrintaan ogyihiin masuuliyiin Midawga Yurub ka tirsan.

Waxay Amnesty ku eedaysay Midawga Yurub in qorsha uu uga hortagayo qaxootigu uu sababay in dad badaan xabisi aan wakhti lahayn lagu hayo iyagoo aan loo kala aabayeelaynin.

© Heemaal News Network. [email protected]