Maxkamada Gobolka Awdal Oo Min Labo Sanno Oo Xarig Ah Ku Xukuntay Labbo Wariye Oo Ka Hawl Gala Gobolkaasi.

Waxaa maanta maxkamada gobolka Awdal la hor geeyey labbo wariye oo ka hawlgala degmada Boorama oo lagu eedeeyey in ay qoreen war been abuur ah.

Wariyayaashan ayaa lagu xakumay wariyihiiba labbo sanno oo xadhig ah, iyadda oo la diiday in loo iibiyo xadhigana , isaga oo uu xeerilaaliyuhu ku adkaystay in aa la iibsan karin xabsiga, rafcaana ka qaatay.

Wariyayaashan ayaa waxaa dacweeyey gudoomiyaha gobolka Awdal, oo ka soo jeeda beesha dhexe, garsooraha maxkamada xukumaysayna waxaa uu ka soo jeedaa beesha dhexe, halka xeer ilaaliyaha dacwada ku soo oogayna oo ka soo jeedo beesha dhexe.

Xeer ilaaliyaha ayaa ku dooday in wariyaasha min tobon sano oo xabsi ah lagu xakumo isga oo u cugsanaya 4 qodob oo kala duwan, balse garsooraha ayaa ku gacan saydhay soo jeedinta xeer ilaaliyaha wuxuun ku xakumay min labo sano oo xadhig ah.

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha ayaa ka Biyo diiday xakunka garsoora ayaa racfaan ka qaadatay xakunka garsooruhu ku riday labadaasi wariye.

Qareen Abubabakar Shee Maxamuud oo la hadaly wakaalada wararka ee heemaal News ayaa sheegay in uu fahamsanayn sifa loo maray xukunkan, uuna yahay mid gacan rimis ah oo aan ku soo aroorayn xeer muslim iyo kan kale.

Qareenku wuxuu sheegay in ayna jirin wax cadayn ah oo maxkamada la keenay iyo markhaatiyaal midna.

© Heemaal News Network. heemaalnews@gmail.com