Al-Shabaab Oo Weerar Qorshaysan kula Wareegay Deegaanka Diif Ee Gobolka Jubbada Hoose

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay Ciidamada Juboland kala wareegeen deegaanka Diif ee Gobolka Jubada Hoose kuna yaal meel ku dhow xadka kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Al-Shabaab oo weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Diif ayaa ku guulaystay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaankaas, Sida ay qortay warbaahinta taageerta Ururka Alshabaab.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda cid ka hadashay Weerarkaasi iyo war ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ay ciidamo booliis ah ka joogeen deegaanka Diif.

Balse waxaa la sheegay in la la’ yahay taliyihii ciidamada Booliska dowlada goboleedka Jubbaland Col Maxamed Naasir iyo ciidamo la socday oo maalmihi la soo dhaafay ku sugnaa deegaanka Diif.

Ururka Al-Shabaab ayaa maamula deegaano badan oo ku yaal Jubbaland waxayna dhowr jeer weeraro ugu soo qaadeen deegaanada ay maamulaan maamulka Jubbaland.

© Heemaal News Network. [email protected]