Dawlada India Oo Xabsiyada ka sii Daysay Maxaabiis Somali ah Oo ku Xidhnayd Dalkaasi.

15 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Hindiya laguna eedeyay Burcad badeednimo ayaa la sii daayay.

Sida ay qortay Jariirad lagu magacaabo The Indian Express, maxaabiistan ayaa dhamaystey xukun lagu ridey oo ahaa 7 sano oo xarig ah.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay jiraan maxaabiis kale tiradoodu lagu sheegay ilaa iyo 27 kuwaasoo sida qorshuhu uu yahay maalmo ka dib la sii daayo waxaana la filayaa dhammaan maxaabiistaas hal mar loo soo dhoofiyo dalka Soomaaliya.

Wadanka India ayaa kamid ah wadamada ugu badan oo ay ku xiran yihiin maxaabiista Soomaalida,kuwaasi oo loo heysto fal dambiyeed la xiriira Burcad Badeednimo,inkastoo sanadihii ugu dambeeyey uu hoos u dhac ku yimid weeraradii afduubka maraakiibta.

Waxaa dhalinyaradaasi xabisyada dalka Hindiya ku jireen illaa iyo sanadkii 2011kii.

© Heemaal News Network. [email protected]