Madaxweyne Farmaajo Oo si Weyn Loogu soo Dhaweeyay Deegaanka Carmo Iyo Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalitya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanka Carmo iyo Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa maalmahaan ay safaro ku tagayeen deegaano ka tirsan gobolada Nugaal iyo Bari.

Wafdiga madaxweynaha oo ka tagay magaalada Qardho iyo Carmo ayaa waxaa dadweyne badan ay kusoo dhaweeyeen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta maamulka Gobolka Bari kula kulmay xubnaha maamulka gobolka iyo waxgaradka magaalada Boosaaso.

Farmaajo waxaa safarkiisa Magaalada Boosaaso ku wehlinaya Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, Wasiiro, Xildhibaano iyo weliba Siyaasiyiin.

Amaanka magaalooyinka gobolka Bari iyo waddooyinka gobolkaasi ayaa aad loo adkeeyay maadaama ay ku sugan yihiin wafdiga madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda kasii dhamaanaya safarkiisii uu ku joogay Puntland, waxaana laga sugayaa deegaanada Galmudug.

© Heemaal News Network. [email protected]