Dawlada Qadar Oo Imaaraatka Carabta Ku Eedaysay Inay Hawada Dalkeeda Ku Soo Xadgudubtay

Iyada oo ay dawlada yar ee Qatar saaran tahay cunaqabatayn dhinac walba ah oo ay saareen lix dawladood oo carab ah oo xulafo la ah sucuudiga isla markaana uu ku jiro dalka Imaaraatka carabta, ayaa Dowladda Qatar waxay  cabasho ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyadoo ku eedeysay inay ku soo xadgudubtay hawadeeda.

Sida uu baahiyay Telefishinka Al- Jazeera ee xaruntiisu tahay Doxa, Wakiilka joogtada ee Qatar u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa cabashada u gudbiyay Golaha Ammaanka, isagoo sheegay in diyaarad dagaal oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay ku soo xadgudubtay Hawada Qatar.

Cabashadan ayaa waxaa gudbiyay Wakiilka joogtada Qatar u qaabilsan Qaramada Midoobey Alya Ahmed Al Thani, waxaana uu u gudbiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres.

Waxaa uu ku eedeeyay Imaaraadka inay si cad ugu soo xadgudbeen dowladda Qatar, xuduudaheeda iyo amniga dhulkeeda, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah.

Fariinta Cabashada ee Qatar gudbisay ayaa lagu sheegay in dowladda Qatar ay qaadi doonto wax walba oo lagama maarmaan ah, si ay u difaacdo hawadeeda, xuduudaheeda iyo amniga Qaranka.

Wakaalada Wararka Qatar ee loo yaqaano QNA ayaa sheegtay in xadgudubka lagu sameeyay hawadooda ay dhacday 21-kii bishii December ee sanadkii hore 2017.

 

© Heemaal News Network. [email protected]