Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Lagu Xidhey Dhuusamareeb.

Wararka naga soo gaadhaya degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca ay xabsiga u taxaabeen guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa-bannaan ee somaliya Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey)

Gadiid ay la soctay guddoomiyaha oo ka anbaxay degmada Guri-ceel ayaa lagu joojiyay Koontaroolka laga-galo degmada Dhuusa-mareeb kaddibna la xiray iyada iyo shaqaalihii guddiga ee la socday.

Saraakiil ka tirsan maamulka Ahlu Sunna ayaa beeniyay in la xiray guddoomiye Xaliimo Yareey, laakiin waxaa ay sheegeen in cid kasta oo soo galeysa degmada baaritaan lagu sameeyo.

Ilo madaxa-bannaan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu xabsiga dhigeen guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa-bannaan balse warar kale ayaa sheegaya in ay ciidamada maamulka ahlu suna ay xabsiga dhigeen qaar kamid ah ilaaladeeda.iyo xubno ka tirsan guddiga, waxaana laga qaaday hubkii ay wateen ilaaladii la soctay.

© Heemaal News Network. [email protected]