Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Gudaha Oo Lagu soo Dhaweyay Magaalada Gaalkacyo.(Sawiro).

Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mud,Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wasiir Sabriye ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Senator Cabdi Qeybdiid iyo mas’uuliyiin kale, waxaa kusii sugnaa Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta gaadhay.

Ujeedada socdaalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay sidii uu Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ay ugu soo dhoweyn lahaayeen.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalinta berri oo Sabti ah lagu wadaa inay booqdaan magaalada Gaalkacyo, waxaa uu booqan doonaa magaalooyinka Cadaado, Caabudwaaq, Dhuusa Mareeb, iyo Guriceel.

© Heemaal News Network. [email protected]