Aqalka Cad Oo Ka Hadlay Heshiis Trump La Galay Haweenay Jisha Filimada Galmada Oo Uu La Kifaaxay

Sida uu warinaayo wargayska Wall Street Journal, madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump in uu saxeexay heshiis ay la gashashay Stephanie Clifford bishii October 2016-kii, oo ahaa in ay faalo ka bixin kulan galmood oo uu la yeeshay.

Stephanie Clifford oo ah gabadh caan ka ah filimada anshax xumada ah, kuna shaqaysata muuqaalada galmada ee laga duubo ayaa magaca ay ku iticmaasho filimadaasi uu yahay Stormy Daniels, heshiiskan ayaa waxaa u kala qoray Micheal Cohan oo ah garyaqaan ka tirsan kooxda Trump.

Clifford aya waxay ka heshay Trump 130.000 oo dollar si ay u saxeexdo heshiiskan qarsoodiga ahaa oo dhigaayey in iyaduna ayna wax faalo ah ka bixin kulankii ay la yeelatay Trump, iyadda oo uu heshiiska laba kooxood ka dhacay Lake Tahoe oo uu ka socday tartankii Golf-ka sanadii 2006.kii, tan oo ahayd sanad kadib markii uu Trump guursaday Melania.

Dhinaca kale aqalka cad ayaa sheegay in ay arintani soo jiitamaysay ila 2011, oo mar walba si kale loo dhigaayey iyadda oo la sameeyey muuqaalo been abuur ah.

© Heemaal News Network. [email protected]