Safiirkii Mareykanka U Fadhiyay Dalka Panama Oo Iscasilay Sheegayna Inuusan la Shaqayn Karin Trump.

Safiirkii dowladda Mareykanka u fadhiyay dalka Panama ayaa iscasilay isaga oo sheegay in uusan la shaqayn Karin madaxwayne Donald Trump.

John Feeley, oo horrey u ahaan jiray duuliye ayaa yiri “Waxaa sharaf ii ah in aan iscasilo.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka oo iyadu ogaatay arrintan dabayaaqadii bishii December.

Arrintani jawaab toos ah uma aysan ahayn hadalkii la sheegay in Mr Trump uu ka soo yeeray taasi oo sida la sheegay uu ugu gefey Haiti iyo wadamada qaarada Afrika.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in uu xilka ka tagay Mr Feeley.

Waxa ay sidoo kale wasaarada sheegtay in sababo u gaar ah uu isu casilay safiirka Mareykanka u fadhiyay dalka Panama .

Siyaasadaha madaxwayne Trump ee ku aadan dalalka gobolka sida Salvadore, Haitian iyo Nicaraguan ayaa wax ka dhashay caro.

Dhawaan ayay ahayd markii maamulka madaxwayne Trump uu ku dhawaaqay in kumannaan qof oo u dhashay dalka Salvadore ay isaga baxaaan dalkaasi Mareykanka.

Mr Feeley ma aha dublamaasigii ugu horreyay ee shaqada ka taga.

Elizabeth Shackelford, oo ahayd wakiilkii dowladda Mareykanka u qaabilsanayd arrimaha Soomaaliya ayaa xilka iska casishay bishii December.

Mr Feeley ayaa imika si toos ah xilka u banaynaya 9 bisha March 2018.

© Heemaal News Network. [email protected]