Taliyaha Ciidamada Pakistan Oo Maraykanka Ku Eedeeyey In Ay Khayaameen Dalkooda

Madaxa ciidamada dalka Pakistan Qamar Javed Bajwa ayaa ku dhaleeceeyey madaxweynaha Maraykanka Donald Trump eedaymaha aan loo meel dayin ee ku aadan hoggaamiyeyaasha Pakistan oo aan qaban dadaal ku filan si ay uga hortagaan argagixisanimada.

​​Qamar Javed Bajwa ayaa u sheegay madaxa taliska dhexe ee Maraykanka Jeneral Joseph Votel mar uu kula hadlayay khadka telefoonka in “dalka Pakistan oo dhan ay dareemeen khiyaano ka dib hadaladii dhawaan Maraykanka” ee Trump uu sheegay in xukuumada Islamabad ay “been iyo khiyaano buuxda tahay ” iyo inay taageerto argagixisada.

Madaxwaynaha Maraykanka ayaa sheegay in Pakistan aysan waxba u qaban Maraykanka oo aan ka aheeyn been iyo khiyaano”, halkii ay la dagaallami lahaayeen argagixisada, Pakistan waxay iyaga siisay “nabadgelyo ammaan ah ayuu yiri”.

Maamulka Trump ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay in sidoo kale la hakiyay $ 2 bilyan oo ka mid ah gargaarka dhinaca ammaanka ee Pakistan, taas oo dhalisay dib udhac weyn oo dalka Pakistan.

© Heemaal News Network. [email protected]