Wiil Uu Dhalay Faysal Cali Waraabe Oo Lagu Dilay Duqayn ka Dhacday Suuriya.

Wiil uu dhalay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa la sheegay in lagu dilay dalka Suuriya 29-kii bishii December ee sanadkii hore.

Wiilkan oo lagu magacaabayay Xuseen Feysal Cali Waraabe ayaa ka barbar dagaalamayay Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya,sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Cali Feysal Cali Waraabe oo la dhashay Wiilkaasi.

Lama sheegin goobta uu ku dhintay iyo  dalka fuliyay duqeynta, balse walaalkii Cali Feysal ayaa ku gaabsaday in lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Suuriya.

Xuseen Feysal Cali Waraabe ayaa ku biiray Daacish sanadkii 2013, waxaana uu ka soo muuqday muuqaal ay baahisay Daacishm,hasa yeeshee Waxaa kooxda  looga yaqaanay Abuu Shuceyb Al-Somali, waxaa uu heystay dhalashada dalka Finland.

Xuseen ayaa mar isku dayay inuu ku biiro Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, hase ahaatee waxaa laga soo qabtay xuduudka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee Kooxda Daacish ayaa looga sii adkaanayaa dagaalada Suuriya iyo Ciraaq iyadoo dhowaan laga faro maroojiyay goobihii u dambeeyay ee ay gacanta ku hayeen dalka Ciraaq.

© Heemaal News Network. [email protected]