Dayaarad Ku Burburtay Dalka Turkiga Oo Ay Ka Badbaadeen Shaqaalihii Iyo rakaabkii Saarnaaba

Dayaarad ayaa ka baxday waddadii ay ku ordaysay, garoon dayaaradeed oo ku yaalla Trabzon, Turkiga, ayadoo ku sigatay in ay afka hore la gasho badda.

Ma jiraan rakaab ama shaqaale wax ku noqday shilkaas. Waxaa loo malaynayaa in ay sababtay shimbir ku dhacday.

Shirkadda Pegasus waxay sheegtay in dayaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 ay isaga kala gooshaysay Ankara iyo Trabzon.

© Heemaal News Network. [email protected]