Mid Ka Mid Ah Dheemantii Ugu Qaalisanayd Dunida Oo Laga Helay Wadan Yar Oo Africa Ku Yaal

Shirkad macdanta ka qoda wadanka yar ee Lesotho ayaa sheegtay inay heleen macddanta Dheemanta ah oo noqonaysa tii 5aad ee ugu waynayd ee abid lagu arko dunida dusheeda.

Shirkadan oo magaceeda la yidhaa  Gem Diamonds, ayaa tidhi “Dhagaxa Dheemanta ah ee aan helnay ayaa waxa uu culayskiisu dhan yahay 910 carats – taasi oo u diganta qiyaasta laba xabo oo kubada lagu ciyaaro Golf-ta ah

Dheemantan ayaa waxa laga helay goob macdanta laga qodo oo ku yaala Waqooyi-bari wadankaasi Lesotho, goobtaas oo lagu magacaabo

Dhagaxan dheemanta ah ayaa am mid aad qaali u ah oo lagu qiyaasayo lacatiida $40m Afartan Milyan oo doolar, sabatuna ay tahay tayadiisa aadka u saraysa

 

© Heemaal News Network. [email protected]