Caruur ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Tuulada Eymoole Oo ka Tirsan Degmada Mandheera Ee Dalka Kenya.

Afar Caruur ah ayaa ku dhimatay qaar kalena way ku dhaawacmeed qarax ka dhacay Tuulada Eymoole oo ka tirsan deegaanka Takaba ee degmada Mandheera, ka dib markii aalado ay ku cayaarayeen ku qaraxday.

3 ka mid ah carruurtaas, oo dhamaantood wiilal ah, ayaa isla goobta ku naf baxay, halka mid afaraadna uu ku dhintay xarun caafimaad.

Sarkaal ka tirsan booliska kenya ayaa xaqiijiyey dhimashada caruurtan wuxuuna intaa ku daray in laba caruura oo kale loola cararay Mandheera si looga daweeyo dhaawacyo kasoo gaaray qaraxa.

Lama oga waxa qaraxa dhaliyey, waxaase loo badinayaa in ay tahay miino halkaa lagu aasay xilligii gumaysiga.

© Heemaal News Network. [email protected]