Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ee Labada Sano Ee soo Socota Oo Taabid Cabdi loo Doortay.

Xarunta Aqalka dowladda Hoose ee muqdisho ayaa caawa doorasho gacan taag ah lagu doortay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.

Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka ee degmooyinkaasi ayaa cod gacan taag ah ku doortay Guddoomiye Taabid inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee arrimaha bulshada Mr Ereg ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo xusay in 70 xubnood oo isugu jira Guddoomiyeyaal iyo golayaasha degmooyinka ay u doorteen Taabid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota.

Doorashan ayaa sii xoojineysa xiisada siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Banaadir, taasoo maalmihii la soo dhaafay cirka sii galeysay, iyada oo ay ka dhalatay arrinta Maqaamka Caasimadda.

© Heemaal News Network. [email protected]