Wararkii Ugu Danbeeyay Xaalada Cakiran Ee Kismaayo iyo Axmed Madoobe Oo la Kulmaya Xildhibaanada

Xaalad siyaasadeed oo cakiran ayaa maalmihii u denbeeyay ka tagnayd magaalada Kismaayo, kaddib markii maalmo ka hor Xildhibaanada Jubbaland ay mooshin kalsooni kala noqosho oo ka dhan ah Golaha Wasiirada Axmed Madoobe u gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka.

Arrintan ayaa sababtay in qaar ka mid ah Xildhibaanada mooshinka diyaariyay loo hanjabo, iyadoo warqad qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland xasaanada looga qaaday Xildhibaan Axmed Cabdi oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hormuudka u ahaa mooshinka.

Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland ayaa Xildhibaanka xasaanada lagala laabtay ku weeraray hotel uu ka degenaa Kismaayo, iyaga oo xabsiga u taxaabay.

Xaalada xarigga Xildhibaankaas ayaa magaalada ka dhigtay mid walwal iyo cabsi ah, waxaana qeybo ka mid ah Xaafadaha lagu arkay Maleeshiyaad la sheegay inay ku heyb ahaayeen Xildhibaanada.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu maanta la kulmo Xildhibaanada, si uu ugala hadlo xiisada ka dhalatay mooshinka laga geeyay Golaha Wasiirada, kuwaasoo lagu eedeeyay waxqabad la’aan.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay la soo baxay dhaqan kalitalisnimo iyo awood sheegasho, iyadoo Xildhibaanada ka hor-yimaada nidaamkiisa ay wajahayeen in laga qaado xasaanada, cabsi gelin iyo musaafurin.

© Heemaal News Network. heemaalnews@gmail.com