Dawlada Kamiruun Oo Bandow ku soo Rogay Gobolka Xasilooni-daradu ka Taagan-tahay Ee Woqooyi Dalkasi.

Dowladda Kaamiruun ayaa bandhow toddobo beri ah ku soo rogtay gobolka luuqadda Ingiriiska looga hadlo ee ku yaalla woqooyi galbeed dalkaasi.

Wareegto ka soo baxday wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in arrinkan loo sameeyay cabsi laga qabo weerar ay gobolkaasi ka geystaan kooxaha fallaagada ee ay taageeraan canaasiir reer Naaygeeriya ah.

Mas’uul ka tirsan saraakiisha gobolkaasi ayaa sheegay in muddo kordhin lagu sameyn doono bandowgaasi.

Muddo bilo ah waxaa gobolkaasi ka jiray xasilooni darro, iyadoo dadka deegaanka ay ka sheeganayeen gacan bidbeyn ay kala kulmayaan dowladda ay ku badan yihiin dadka ku hadla luuqadda Faransiiska.

Kumanaan qof ayaa ka qaxay gobolkaasi, kuwaa oo u carareen dhanka dalka Naaygeeriya.

© Heemaal News Network. [email protected]